IRAN OO KU HANJABTEY INEY WEERARI DONTO XARUNTA NUCLEARKA ISRAIL EE DIMONA/ IYO WARARKA KLE

 Iiraan waxay soo saartay degniin ah inay weerarayso Dimona.


Dimona nuclear facility waa xaruntan sawirkeedu idiin muuqdo, Iran hadda ayay  dadka u dhaw xaruntaasi digniin u dirtay. 1950-kii ayaa la dhisay, waxaa lugu sheegay inay tahay meel lugu sameeyo cilmibaaris dhanka Nukleerka ah, laakiin waxaa la tuhunsanaa waayadii danbe in hubka Nukliyeerka lugu farsameeyo.


Waxay ku taallaa waqooyiga Isra1l, meel u dhow magaalada Dimona ee Negev Desert.

 Isra1l waxay diiday inay saxiixdo Heshiiska Ka Hortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka (NPT) xasaasiyad ay ka qabto in xaruntaan la baaro darteed.


Haday xaruntaan weerarto Iran, isbadal wayn ayaa la filayaa in uu ku yimaado sida dagaalku u socdo.


Saaka diyaaro ay Isra1l leedahay ayaa  duqaymo ku tuuray xarun Nukleerka oo ay Iran leedahay, waxaa loo malaynayaa tani inay jawaabteedii tahay.





IRAN Waxay u muuqataa markaan inay difaacii kasoo  baxday oo Weerar ay noqotay.

Madaxweyne Trump wuxuu dareemaya culeeskii ugu weynaa oo ku qasbay in go'aan rasmi ah uu qaadan waayo, Waxaana markii ugu horeysay kala qeybsamay Dadka ku hareereysan oo qaarkood ku riixayaan inuu dagaalka ku biiro, halka qaar kalana ay kasoo horjeedaa in ISR ay dagaalka ku jiido Mareykanka.


BARIGA Dhexe & Waxa ka dhalan doono haddii dagaalka uu ku biiro kadib, waa caqabadaha heysto Trump, waxaa u dheer iska ilaalin fashil dhexda loo galo oo kasoo kabashadiisa adag tahay.


Gudaha ISR waxaa ka jira Guux badan oo ah inay wax badan ku luminayaan dagaalkaan, Sumcadii hore, cabsi gelintii awoodda ISR ee dhanka Difaaca, ciidanka & Sirdoonkaba.

Post a Comment

Previous Post Next Post