Dowladda Japan ayaa Sabtida Dalka Jabuuti u direysa labo diyaarad oo ciidan si halkaasi ay kaga daabulaan muwaadiniinta Japan ee ku sugan bariga dhexe sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga ee Japan Gen Nakatani.
Waxay qaadi doontaa 1280 Japanese ah, kuwaasi oo 1000 ISR ku sugan halka 280 kalana IRAN ku sugan yihiin, waxaana wasaaradda gaashaandhiga codsigaan u gudbiyay wasaaradda arrimaha dibadda, iyaga oo ka walaacsan xaaladda bariga dhexe.
Maxaa isbadalay ?
Aqalka Cad ee Mareykanka wuxuu caawa shaaciyay in Trumo uu labo todobaad kadib go'aan cad qaadan doono, waxaa warbaahinta la hadlay ruux aan Trump aheyn.
Warbaahinta ISR waxay goordhow shaacisay in Trump uu madaxda ISR ka dalbaday, in dib loo dhigo weerar lagu qaado xarunta Muhiimka u ah iran ee Fordow, waana wax ka duwan filashada iyo falanqeynta reer Galbeedka.
Ma isdabaalin ayay ka dhigan tahay oo waxaa la doonayaa in todobaadyadaasi heshiis lagu gaaro, lana yiraahdo xaalka waa OK hadda, oo Mareykanka ayaa sheekada soo idleeyay, si carada madaxa looga ceshado.
Mise waa kaarto kale, oo isdhigasho ayaa !RAN lala doonayaa ?
Labo cadaadis ayuu Trump adeegsanayay maalmihii u dambeeyay:
1: Is dhiiba, Waan idiin jeednaa iyo Nuclear ma yeelan kartaan.
2: Dhaqdhaqaaqa ciidankiisa bariga dhexe, iyadoo xisaabta lagu darsanayo waxa dhici kara haddii talaabo militari la qaado, balse waa qeyb kamid ah cadaadiska militari.
Hadda maxaa isbadalay ayay kula tahay ?